4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 11, 2020
Puntland oo digniin u dirtay shirkaddaha shidaalka baara
 

Talaado, Feberaayo, 11, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkeeda ku aaddan Sharciga Betroolka ee uu saxiixay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah.

Puntland waxay sheegtay inay ku wargelinayso dhammaan shirkaddaha caalamiga ah ee danaynaya maalgashiga soo saarista batroolka Soomaaliya bad iyo beriba in ay ka fogaadaan heshiiska batroolka Soomaaliya ee uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay Puntland uga digtay dowladdaha u hanqaltaagayaan kheyraadka shidaalka Soomaaliya, iyadoo lasoo marin sifo sharci ah.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka Puntland.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]