3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2020
Tababarihii xulka kubada cagta Soomaaliya oo cabsi amni darteed isku casilay
 

Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Tababarihii xulka qaranka Soomaaliya, Bashiru Hayford ayaa iska casilay shaqadiisa, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay sportsnetgh iyo vibeweeks.

Hayford, wuxuu sheegay inuu xilka isaga casilay nabadgelyo-xumada iyo weerarada Al-shabaab islamarkaana uusan ku laabandoonin Muqdisho.

Waxaa lagu xasuustaa inuu Soomaaliya u horseeday guushii ugu horreysay isreebreebka Koobka Adduunka, taasoo ahayd guushii xulka Zimbabwe isreebreebka Koobka Adduunka 2022 ee Qatar, bishii November 2019.

Hayford, oo horey tababare ugu soo noqday xulka Haweenka kubada cagta ee dalka Ghana, ayaa horey u saxiixay heshiis labo sano ah oo tababaraha xulka Soomaaliya, isagoo badelay Mohamed Abdulla Farayarebishii Maarso 2019.

Tababarahan oo u dhashay Ghana ayaa labo jeer ku guuleysatay koobka Premier League ee Ghana oo uu la qaaday Asante Kotoko 2007/2008 iyo Ashantigold SC xilli ciyaareedkii 2014/2015.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
2/10/2020 3:05 PM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Wasiirka warfaafinta Puntland, Cali Sabarey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayay saxaafada , isagoo yidhi” Madaxweynuhu wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka warbaahinta.”

2/10/2020 9:09 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

2/10/2020 5:14 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland ayaa berito laga sugayaa inay fuliso xukunka dil ah oo lagu ridayo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa'isha Ilyaas Aadan.

2/10/2020 4:11 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan.

2/10/2020 2:14 AM EST
Isniin, Feberaayo 10, 2020 (HOL )– Wefti uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

2/10/2020 1:20 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Weeraryahanno la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa Axadii gubay laba baabuur oo u rarnaa shirkado ganacsi oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu.