3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 10, 2020
Madaxweyne Biixi oo lagu soo dhoweeyey magaaladda Addis Ababa ee Itoobiya

 

Isniin, Feberaayo 10, 2020 (HOL )– Wefti uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaa weftigan halkaasi ku soo dhoweeyey wasiirudawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Aklilu hailemecheal, waxaanay qadar nasasho ah ku qaateen qolka martida ee Airportka, waxaanay uga sii gudbeen halkii loogu talogalay martida madaxweynaha.

Sidoo kale waxa weftiga halkaa kaga biiray wasiirka Arrimaha dibeda iyo iskaaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ay wehelinayaan masuuliyiinta safiiska wakiilka Somaliland ee Itoobiya.

Ujeedadda weftiga waxa ka hadlay afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo sheegay in safarkani la mid yahay safaradii shaqo ee hore madaxweynuhu ugu bixi jiray waddamada caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay.

“waxaa uu madaxweynuhu halkaasi kulamo kula yeelan doonaa hoggaamiyeyaasha qaarada Afrika, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo halkaasi ka waday hawlo diblumaasiyadeed”ayuu yidhi Warsame.

Sidoo kale waxa uu afhayeen Maxamuud Warsame sheegay in safarkan madaxweynuhu xoojin doono hawlihii diblumaasiyadeed ee wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ahi halkaasi uu u joogay muddooyinkii u danbeeyey, safarkan madaxweynuhu waxa uu qaadan doonaa muddo kooban waxaana ku wehelinaaya madaxweynaha safarkan xubno ka mida golaha wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirada Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seedi, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed, Xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Axmed.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.












Click here
2/10/2020 4:21 PM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Tababarihii xulka qaranka Soomaaliya, Bashiru Hayford ayaa iska casilay shaqadiisa, sida ay Hiiraan Online kasoo xigatay sportsnetgh iyo vibeweeks.

2/10/2020 3:05 PM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Wasiirka warfaafinta Puntland, Cali Sabarey ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland uu ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayay saxaafada , isagoo yidhi” Madaxweynuhu wuxuu zero ka yahay inuu xamilo qaladka warbaahinta.”

2/10/2020 9:09 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

2/10/2020 5:14 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland ayaa berito laga sugayaa inay fuliso xukunka dil ah oo lagu ridayo raggii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Caa'isha Ilyaas Aadan.

2/10/2020 4:11 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa Booliska Hirshabelle ayaa ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in muddo ah ka taagneyd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan.

2/10/2020 1:20 AM EST
Isniin, Feberaayo, 10, 2020 (HOL)- Weeraryahanno la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa Axadii gubay laba baabuur oo u rarnaa shirkado ganacsi oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu.