4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 8 , 2020
Ethiopia oo halis ku tilmaamtay qorshaha Masar ku doonayso in saldhig milatari kaga sameysato Soomaaliya
 

Sabti, Agoosto 8, 2020 (HOL) - Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay qorshaha ay Masar rabto inay saldhig milatari kaga sameysato dhul ku yaal gobolka Bariga Afrika uu halis ku yahay danaha Itoobiya.

Isaga oo ka hadlayey warbixin todobaadle ah, Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibada ee Itoobiya Dina Mufti wuxuu yidhi, “Masar waxay xaq u leedahay inay xidhiidh la yeelato dal kasta oo ku yaal gobolka. Laakiin tani waa inaysan ku imaan xasiloonida Ethiopia. ”

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in Masar ay isku dayeyso in ay saldhig militari ka sameysato Somaliland.

Dabayaaqadii bishii Luulyo, wefti ka socda Masar ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen in Masar ka sameysato xero militari oo ah gudaha Somaliland.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa u arka tallaabada Masar mid aargudasho ah oo ka dhan ah dowladda federalka Soomaaliya, oo horey u taageertay xuquuqda ay Itoobiya ka leedahay Nile.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]