4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 7 , 2020
Galmudug oo la wareegtay garoonka diyaaradaha Cadaado
 

Jimco, Agoosto 7, 2020 (HOL) - Wasaaradda gaadiidka ee maamulka Galmudug ayaa waxay la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado, sida mas’uulinta wasaaraddaas ay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ay u sheegeen.

Garoonka ayaa waxaa horay u maamuli jiray shirkad gaar loo leeyahay. Waxaana hadda la filayaa in isbedal lagu sameeyo shaqadii duullimaadyada garoonka , sida ay innoo sheegeen ilo ku dhow maamulka.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka Galmudug oo ay wehliyaan xubno ka socda wasaaradda maaliyadda ayaa waxay u kuur galeen habka uu u shaqeeyo madaarka diyaaradaha cadaado.

Tan iyo wixii ka dembeeyay markii madaxweyne Qoor qoor uu ku guuleystay hoggaanka maamulka Galmudug, waxa uu waday isbedal xagga maamulka ah, waxa uuna ku guuleystay in deegaanno badan iyo xarumo dowladdu laheyd ay la wareegaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]