4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2020
Ciidanka amniga oo soo afjaray weerarkii xabsiga dhex ee Muqdisho
 

Isniin, Agoosto 10, 2020 (HOL) - Ciidanka amaanka ayaa soo afjaray weerar ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho, kadib markii koox katirsan maxaabiista ku jira xabsiga uu gacanta u galay hub, iyagoo rasaasayn ka dhex billaabay gudaha xabsiga.

Wararku waxay sheegayaan in 4 maxbuus oo xabsiga ka dhex dagaalamayay lagu guulaystay in la toogto, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka asluubta ee ilaalada ka ahaa xabsiga.

Ma jiraan warar xaqiijinaya inay jirto cid xabsiga ka baxsatay.

Xubno sare oo katirsan Al-shabaab, ayaa xabsiga ku xirnaa.

Dowladdu weli kama hadlin weerarkaan, lamana oga sababta keentay in uu hub gacanta u galo maxaabiista.

Xabsiga dhexe waxaa ku xiran maxaabiis ku xukuman dil toogasho oo katirsan ururka Al-shabaab.

Al-shabaab weli ma aysan sheegan inay ka dambeyso weerarkan.

Wixii faahfaahin ah kala soco Hiiraan Online

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]