4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Maamulka gobolka Hiiraan oo bilaabay dadaalo looga hortagaayo fatahaadaha webiga Shabeelle


Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Maamulka gobolka Hiiraan ayaa bilaabay dadaalo ku aadan ka hortaga fatahaado laga cabsi qabo inuu geeysto webiga Shabeelle, maamulka ayaa caro-buur ka bilaabay deegaanka Hilikiliyo oo 7km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Beledweyne.

Meelaha aay kasoo baxaan biyaha ayaa waxaa lagu xeray jawaano aay caro kujirto, waxaana sidoo kale maamulku uu sheegay inaay dadaaladan ka kasameeyn doonaan goobo badan oo kamid ah meelaha uu webigu kasoo baxo. Ciidanka xooga dalka ayaa la’arkayay ayagoo ka qeeyb-qaadanaya dadaalada looga hortagaayo fatahaada webiga Shabeelle.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo kormeeray goobaha aay kasocdaan dadaalada looga hortagaayo fatahaada webiga Shabeelle ayaa u mahadceliyay ganacsatada oo ka qeeyb-qaadanaya dadaalada socda, wuxuu sheegay in maamulku uu gacan ka geeysanayo sidii shacabka looga badbaadin lahaa fatahaada webiga.

“Waxaan u mahadcelinayaa ganacsatada oo dadaal badan ku bixiyay sidii looga hortagi lahaa fatahaada webiga Shabeelle, runtii dadaalkan socdaa waa mid muhiim ah, waxaana maanta aan caro buuxin ku sameeynay meelaha uu kasoo baxo webiga, waana sii wadi doonaa” ayuu yiri Cali Jeeyte Cismaan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shalay sheegay in aay jirto cabsi badan oo laga qabo fatahaad uu sameeyo webiga Shabeelle, waxaana aay baaq u direen dowlada iyo hay’adaha inaay ka qeeyb-qaataan kahortaga fatahaada.

Webiga Shabeelle ayaa sanadihii dambe fatahaado culus ka geeystay magaalada Beledweyne, waxaana ka dhashay qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed. Ilaa hadane majiraan wax rasmi ah oo laga qabtay kahortaga fatahaada marka laga reebo dadaalada shacabka oo aan awood badan lahaayn.