4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Miinooyin badan oo laga soo saaray waddada xiriirisa deegaannada No.50 iyo No. 60
 

Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ugu tababaran waxyaabaha qarxa ayaa waxey saaka ka sameeyeen gowl-gal miino baaris ah inta u dhexeysa deegaannada Number konton iyo Number lixdan ee Gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfur galbeed ee Soomaaliya .

Masu’uuliyiin ka tirsan ciidamadii howl-galkaasi sameeyay ayaa waxey raadiyaha ciidamada qalabka sida u sheegeen, in waddooyinka ay kasoo saareen miinooyin badan oo lagu aasay, halka kuwa kalena ay qarxiyeen , iyaga oo aan geysan wax khasaaro ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ku warramay in ujeeddada ay howl-galkaasi u sameeyeen ay tahay xog dhinaca ammaanka ah oo ay heleen, iyo in dadka iyo gaadiidka waddadaasi ay ku maraan si nabad-gelyo ah, iyagoo bad-qaba, laakiin miinooyinkaan ay ahaayeen kuwa halis ah .

Dhinaca kale waxey ku eedeeyay Al-shabaab in ay ku aaseen miinooyinkaasi waddada saaka howl-galka ay ka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan waaxda dhinaca militiriga u qaabilsan qaraxyada iyo miinooyinka.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho