4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2020
Suxufi lagu dhaawacay magaalada Laascaanood
  

Isniin, Abril 27, 2020 (HOL) - Aadan Jaamac Oogle oo ka mid ah suxufiyinta gobolka Sool ayaa  dhaawac xabad ah loogu geystey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool xalay maqribkii .

Suxufigan ayaa laba xabo ay kaga dheceen garabka bidix iyo gacanta, waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka Gargaar isagoo ay  xaaladiisu ka soo raynayso sida ay hawlwadeeno caafimaad noo sheegeen.

Warar is khilaafsan ayaa  ka soo baxaya sababta keentay weerarka lagu dhaawacay Oogle iyadoo wararka qaar sheegayaan in muran dhexmaray uu sababay, waxaase ciidanka booliska ay qabteen ninkii falka geystey.

Suxufigan oo haatan aan u shaqayn cidna ayaa ka mid ah kuwa ugu akhlaaqda wanaagsan  sida uu HOL u Sheegay Faysal Jaamac Aadan oo ah isuduwaha warfaafinta gobolka Sool.

Seynab Cabdi warsame
[email protected]
Laascaanood