4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2020
Maxkamadda ICJ oo qaadday tallaabooyin lagu hubinayo sii wadidda waajibaadkeeda shaqo
 

Axad, Abril 26, 2020 (HOL) - Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), ee Qaramada Midoobay, ayaa qaadday tallaabooyin lagu hubinayo sii wadidda fulinta waajibaadkeeda shaqo inta lagu guda jiro cudurka safmarka ee COVID-19.

Iyada oo la adeegsanayo tikniyoolajiyadda casriga ah, Maxkamaddu waxay sameysay diyaarintii lagama maarmaanka u ahayd inay shirarkeeda u maareeyso habka loo yaqaan 'Virect' oo ah hab fududeynaya in shaqadu socoto iyadoo hab online ah loogasoo qeyb galayo dhageysiga dacwadaha.

Maxkamadu waxay shaacisay tijaabadii ugu horeysay in la sameeyay toddobaadyadii la soo dhaafay, kadib markii shirarka guddiga Maxkamadda ay u dhaceen iyada oo loo marayo hab muuqaal ah.

Maxkamaddu waxay sheegtay inay rabto inay u xaqiijiso bulshada caalamka in kasta oo ay duruufaha jiraan, hadana ay sii wadayso howlaheeda garsoorka oo ay wax ka qabato dacwadaha loo soo gudbiyey ama kuwii horey u sugayay.

Warkaan kasoo baxay maxkamadda ICJ, ayaa kusoo aadaya iyadoo maxkamadu ay horyaaliin dacwado waaweyn oo ay kamid yihiin dacwada dhinaca badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwadan oo muddo soo jiitamaysay ayaa ugu dambayn loo qabtay bisha June ee soo socota in maxkamadu u fariisato dhageygsigeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online