4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2020
Taliska Booliska Beledweyne “Talaabo adag ayaan ka qaadaneeynaa dadka furta maqaayadaha xiliga maalintii”
  

Sabti, Abril 25, 2020 (HOL) - Taliska Booliska Beledweyne ayaa soo saaray amar ku aadan bisha barakeeysan ee Ramadaan waxaana aay mamnuuceen inaay maqaayadaha lagu iibiyo raashinka.

Booliska ayaa sheegay inaay talaabo adag ka qaadi doonaan maqaayadaha maalintii sida dhuumaaleeysiga ah u shaqeeya.

Taliiyaha Booliska Beledweyne L/xidigle Muuse Salaad Weheliye oo goordhaw soo saaray amarka ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono cidii lagu arko ayadoo maqaayad u furantahay xiliga maalintii inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan.

“Dhamaan bulshada muslimiinta ah waxaan ku boorineeynaa inaay ka hortagaan dadka maqaayadaha furta xiliga maalintii ah, waxaa dadkaas u jeedinayaa inaay ka fogadaan, laamaha amnigu talaabo ayaay ka qaadi doonaan hadii aay amarka qaadan waayaan” ayuu yiri taliyaha Booliska Beledweyne.

Dadka muslimiinta ah ayaa ku gudajira gudashada acmaasha bisha barakeeysan ee Ramadaan. Waxaana meelaha qaar kajira dad si dhuumaleeysi ah u furta maqaayada xiliga lagu guda jiro bisha Ramadaan.