4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 25, 2020
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay askari xalay dad shacab ah ku dilay Muqdisho
 

Sabti, Abril 25, 2020 (HOL) - Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xabsiga dhigay D/Le booliis  Xasan Aadan Xasan ina Dahabo Maxamed Cabduqaadir, 24 jir ku dhashay Xamar deggan Hodon kana tirsan Boliiska saldhigga Boondheere.

Askarigaan ayuu talisku sheegay inuu  ahaa ninkii riday xabaddii u geeriyoodeen labo ruux oo kale ah, Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar dagan Boondhere iyo Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar dagan Boondheere.

Falka Dilka labadaan ruux ee shacabka ah, oo ka dhacay degmada Boondheere, ayaa dhaliyay mudaharaad caraysan oo ay shacabku kagasoo horjeedaan ciidamada dowladda oo ay ku eedeeyeen inay si ula kac ah u dileen dadka shacabka ah.

Lama oga tilaabada dowladdu ka qaadi karto, iyadoo haatan ay weli xiran yihiin askar horey u dilay dad shacab ah, kuwaas oo aan la marsiin mudnaantii ay lahaayeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online