4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 24, 2020
Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay heshiiska Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradsanaa
 

Jimco, Abril 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo golaha isbedeldoonka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay heshiiskaan inuu kusoo beegmay waqtigii ugu muhiimsanaa, isagoona dhinacyada uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen.

Madaxweynaha Puntland wuxuu dowladda federalka ugu baaqay inay soo dhoweyso heshiiskaan kana faa’idaysato isku duubnimada dowlad goboleedyada.

Deni wuxuu sheegay waqtigaan adag oo uu dalku la daalaadhacayo dhibaatooyin isbiirsaday inaanu xamili karin khilaaf sii jiitama.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online