4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
Guddiga farsamadda soo xulista Barlamaanka labaad ee Hirshabelle oo maanta gaaray Magaalada jowhar
 

Axad, September 27, 2020 (HOL) - Waxaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle guddiga farsamadda soo xulista Baarlamaanka Labaad ee maamulka Hirshabelle.

Guddigan maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa waxaa garoonka Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar kusoo dhaweyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Guddigan farsamadda soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle aya ka kooban 11 xubnood waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay guda gali doonaan soo xulitaanka Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Shacabka ku dhaqan goboladda Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa il gaar ah ku haaya dhismaha cusub ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]