4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta xilka kala wareegaya sii hayaha raysal wasaaraha Mahdi Guuleed
 

Axad, September 27, 2020 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilka kala wareegaya Mahdi Maxamed Guuleed oo xilkaan si kulmeel gaar ah u hayay tan iyo markii xilka laga tuuray raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli raysal wasaarihii hore uu qoraal uu usoo diray raysal wasaaraha cusub ku sheegay in uu isaga xilka ku wareejindoono ayna tahay arin dastuuri ah oo qeyb ka ah haykalka dowladnimada

Kheyre ayaa sheegay inuu raysal wasaaraha ku wareejinayo xogta muddadii uu raysal wasaaraha ahaa, balse warar aan helnay waxay sheegayaan in madaxtooyada Soomaaliya ay diiday in Kheyre uu sameeyo xilka wareejin.

Dhammaan raysal wasaarayaashii barlamaanku rideen ma dhicin in loo diido in ay xilka wareejiyaan, raysal wasaare kheyre wuxuu ahaandoonaa raysal wasaarihii ugu horeeyay ee loo diido inuu xilka wareejiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]