4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 26, 2020
Barlamaanka Soomaaliya oo loo qeybiyay nuqulka heshiiskii doorashada
 

Sabti, September 26, 2020 (HOL) - Barlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa loo qeybiyay nuqulka heshiiska doorashada ee ay kala saxiixdeen dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah, iyadoo lagu lifaaqay codsi madaxweynuhu ku doonayo in ay barlamaanku meel mariyaan.

Codsiga uu madaxweynuhu ugudbiyay barlamaanka ayaa ka koobnaa afar qodob oo kala ah, in dib loo dhigo doorashadii tooska ahayd, in ay barlamaanku meel mariyeen heshiiska siyaasadeed ee doorashada, inay ansixiyaan in hay’addaha dastuuriga sii joogaan illaa xilka ay kala wareegaan kuwa cusub ee yimaada iyo dhaqan galinta heshiiska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa barlamaanka u sheegaay inuu gutay ballanqaadkiisii ahaa in heshiis walba oo uu la galo dowlad goboleedyada uu horkeenidoono iyaga, si ay go’aan uga gaaraan dhaqan galkiisa.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]