4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2020
Cabdiweli Gaas oo ra’iisul wasaaraha cusub kula taliyay inuusan soo magacaabin wasiirro cusub
 

Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu usoo jeediyay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uusan soo magacaabin gole wasiirro oo cusub, taas bedelkdeeda uu lasii shaqeeyo wasiirrada sida gaarsiinta ah hadda ku shaqeeya.

Wareysi gaar ah uu siiyay Barnaamijka muuqaalka ah ee laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, isagoo jooga Nairobi ayaa waxa uu sheegay in marka la eego wakhtiga oo yar iyo shaqada oo taalla oo aad u guda weyn looga baahanyahay, ra’iisul wasaaraha inuu fahmo, sidaasi darteedna uusan magacaabin Gole wasiirro.

“Waxaa looga baahanyahay in uusan ra’iisul wasaaraha magacaabin Gole wasiirro, kuwaan joogo uu lasii shaqeeyo, howlaha horyaallana uu wajaho dalka iyo madaxweynahiisana uu daacad u noqdo” ayuu Gaas sheegay.

Cabdiweli Maxamed Cali oo marka laga yimaado xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo aadayaa maalin kadib markii ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble Golaha shacabka ee Baarlamanku ay siiyeen codka kalsoonida.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]