4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 24, 2020
Ra’iisul wasaare Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan ku yeeshay Muqdisho
 

Khamiis, September 24, 2020 (HOL) - Waxaa goor u dhow uu kulan usoo dhammaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiga mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warame, kulanka ayaa ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadda Soomaaliya iyo sidii doorashadu ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulanka kadib ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in kulanka saacadaha qaatay, lagu gorfeeyay sidii uu Maxamed Xuseen Rooble uu diiradda usaari lahaa arrimaha mudnaanta u leh dalka, gaar ahaan doorashada oo ah shaqada marka amniga dalka laga yimaada, hortaalla xukuumadda uu dhowaan soo dhisayo.

“Waxa uu ahaa kulankaan martiqaad iiga yimid ra’iisul wasaaraha, waxaana ka wada hadalnay arrimaha doorashada dalka, waxa uu kulanka sidoo kale ahaa talo siin” ayuu Warsame sheegay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta sida adag u dhaleeceeya dowladda madaxweyne Farmaajo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]