4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Beesha caalamka oo walaac xoogan ka muujisay heshiiskii doorashada Soomaaliya
 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa sheegtay hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay in uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiska la gaaray aan weli la caddeynin, waxayna ku baaqeen in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay.

“Saaxiibadu waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Beesha caalamku waxay ku dhiirrigelisay hoggaamiyaasha Soomaaliya in horumar dhakhso ah laga gaaro dhismaha hay’adaha kale ee demoqoraadiyadda, oo ay ku jiraan guddiga adeegga garsoorka iyo guddiga xuquuqul insaanka, iyadoo ay barbar-socdaan dadaallada lagu horumarinayo dib-u-eegista Dastuurka Federaalka iyo in la xaqiijiyo dhowridda ballanqaadyada xuquuqul insaanka.

Saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale ugu baaqayaan madaxda DFS iyo DGXF inay sii wadaan kulamada joogtada ah iyo isu-tanaasulka si wax looga qabto arrimaha degdegga ah ee hortabinta qaran u leh, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale siyaasadda loo dhanyahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]