4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Askar ilaalinayay Guddoomiye waaxeed oo laga Af-duubtay Gasarbaalley
 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo deegaanka Garas baalley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas laga Af-duubtay laba askari oo ilaalo u ahaa mid kamid ah Guddoomiye waaxeedyada halkaas ka shaqeeya.

Guddoomiyaha waaxda Afaraad ee Garasbaalley Maxamed Xaashi Cali oo la hadlay raadiyaha Risaala ee Muqdisho ayaa weriyayaasha u sheegay in labo kamid ah ilaaladiisa ay afduubteen maleeshiyo watay gaari nooca raaxada ah.

Mid kamid ah ilaalada la Af-duubay ayaa waxa uu qeexay inuu hubeysnaa, halka kan kalana uusan wada wax hub ah.

Waxa uu sidoo kale intaa ku daray inuusan jirin cid uu tuhmayo,  iney arrintaa ku lug yeelan karto amma uu shaki gaar ah ka qabay.

Guddoomiyaha oo mar la weydiiyay waxa ka jira warar sheegaya in A-fduubka ka hor la maqlay rasaas la is-weydaarsaday ayaa taasi beeniyay.

Dhinaca kale waxa uu sheegay iney booliska ay iminka billaabeen baaritaan ku aaddan sida ay wax u dhaceen iyo halka labadaas askari lala aaday.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]