10/28/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Darawal moota Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho


 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Dilka wadaha mooto Bajaajta  ayaa ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Soonakey, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah, waxaana lagu eedeeyay dilkaas, askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Darawalka moota Bajaajta ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bile Cali Diini, waxa uuna ahaa Aabbe haaysta dhowr carruur ah, islamarkaana ay u dhexeen laba xaas, sida ay ku warrameen ehelkiisa.

Askarigii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta uu falku dhacay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay sida uu dilka u dhacay, wararka qaar ayaa sheegaya in askariga oo taagan waddada dhinaceeda uu ka codsaday Bajaajlaha la dilay inuu qaado, kadibna markii uu ka degay uu xabad ku billaabay, sidaasna uu u dilay.

Halka wararka qaar warbaahinta Muqdisho ay sheegayaa in askariga oo isticmaalay wax-yaabaha maanka dooriya, taas oo aan illaa iyo hadda si buuxda loo xaqiijin.

Ma jiraan war kasoo baxay laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan dilka dhacay.

Meydka maxruumka ayaa la dhigay cisbitaalka madiina ee magaalada Muqdisho.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/21/2020 3:40 PM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa sheegtay hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay in uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

9/21/2020 8:36 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo deegaanka Garas baalley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas laga Af-duubtay laba askari oo ilaalo u ahaa mid kamid ah Guddoomiye waaxeedyada halkaas ka shaqeeya.

9/21/2020 8:26 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib dagaal xoogan oo halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

9/21/2020 7:21 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor qoor” ayaa waxa uu hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho uu kula kulmay mas’uuliyiinta labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda maamulkiis.

9/21/2020 6:31 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Miir-dugul oo koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, sidoo kalana ah caasimadda maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

9/21/2020 6:01 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Soomaaliland ayaa sheegtay in aysan ka qeyb galayn doorashooyinka soosocda ee Soomaaliya, iyadoo farriin gaar ah u dirtay ururada iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ee la isku yiraahdo beesha caalamka.

9/21/2020 12:39 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Beesha caaalamka ayaa weli ka aamusan heshiiskii dhameystirka hannaanka doorashada ee dhawaan ay Muqdisho ku gaareen dowladda federalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

9/21/2020 12:27 AM EST
Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Hay'adaha amniga kenya ayaa kordhiyay amaanka goobaha laga yaabo in ay bartilmaameed ka dhigtaan kooxda Al-shabaab.