4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2020
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay duleedka Dhuusamareeb
 

Isniin, September 21, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Miir-dugul oo koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, sidoo kalana ah caasimadda maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Alshabaab ayaa ku dagaallamay deegaankaas, waxayna wararku intaa ku darayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac soo wada gaaray, sida ilo deegaanka ah ay u sheegeen HOL.

Saraakiil ka tirsan ciidanka militiriga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay iney gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaallamay, Al-shabaabna ay ka saareen, waxayna intaa ku dareen iney ka shaqeyn doonaan nabad-gelyada iyo xasilloonida Galmudug.

Qaar kamid ah dadka kunool tuulada lagu magacaabo Miir-dugul ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay billaabeen dhaqdhaqaaq ay ku sameynayaan howl-gallo ammaan, iyagoo rondo ka sameeyay duleedka deegaankaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]