4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2020
Cabdiraxmaan Cabdishakuur "Soomaaliya waxaa laga badbaadiyay dhibaato dhici laheyd"
 

Axad, September 20, 2020 (HOL) -Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskii la xiriiray arrimaha doorashada ee dhowaan lagu kala saxiixday Villa Somalia uu ahaa mid dalka ka badbaadinayay dhibaatooyin adag oo kusoo fool lahaa.

Warsame si cad uma uusan qayaxin caqabaddaas,  laakiin wuxuu shirkiisa saxaafadeed ku dhaliilay madaxweyne Farmaajo uu ku eedeeyay inuusan ka shaqeyn intii uu xafiiska joogay arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxa uu dhinaca kale soo jeediyay in heshiiskii lagu gaaray Muqdisho laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa,  loona dhaqan-gelin lahaa.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay gashay marxalad kala guur ah,  dhammaadka sanadkaanna la qorsheynayo in dalka uu doorasho galo.

Si taasi ay u dhacdana dadka siyaasadda ka faallooda ayaa soo jeedinaya in la fuliyo heshiiskii dhowaan lagu gaaray Muqdisho.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]