4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2020
Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota
 

Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Trump oo boqolaal kamid ah taageerayaashiisa la hadlayay, ayaa Soomaalida iyo qaxootiga ka yimid dalalka Islaamka ku tilmaamay inay la wareegidoonaan oo burburindoono Minnesota, haddii uu guulaysto musharaxa la tartamaya Joe Biden.

Madaxweyne Trump ayaa afar sano kadib mar kale ololihiisa doorashada ku galaya la dagaalanka iyo nacaybka soo galootiga ah ee ka imaanaya inta badan wadamada Islaamka

Trump wuxuu mar kale weerar afka ku qaaday xildhibaanada Congress-ka Ilhan Omar, isgoo ku tilmaamay inay tahay Xagjir geysatay fal dambiyeedyo.

03 November sanadkan, dalka Maraykanka waxaa ka dhicidoonta doorashada madaxtinimada.

Madaxweyne Trump ayaa loolan adag kala kulmidoona madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka, Joe Biden oo sanadkaan ah musharaxa ka socda xisbiga dimuqraadiga .

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]