4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 15, 2020
Maxkamada la dagaalanka Musuqa Kenya oo guddoomiyaha Gaarisa ku riday xukun isaga iyo afar xubnood oo xafiiskiisa katirsan
 

Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta lacag dhan 233m oo shilinka Kenya ah, ayaa heli doona xoriyadiisa hadii uu bixiyo damiin lacageed oo dhan Sh3.25 million, sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay maxkamada Nairobi.

Waa markii ugu horeysay oo gudoomiyaha dacwad lagu soo ooga isaga iyo afar xubnood oo ka tirsan maamulkiisa, kuwaas oo loo haysto ku lug lahaanshaha lunsashada lacag dhan 233 milyan oo shilinka Kenya ah oo loogu talo galay Barnaamijka Taageerada Magaalooyinka.

Waxaa lagu eedeeyay sideed dambi oo ay ka mid yihiin, inay si ula kac ah ugu hogaansami waayeen sharciyada la xiriirta maareynta lacagaha iyo ku takrifalka hantida dadweynaha.

Dhammaantood waxay beeniyeen eedeymaha loo haysto ee ka soo yeeray madaxa garsoorka ee maxkamadda la dagaallanka musuqmaasuqa dalka Kenya.

Masuuliyiinta la xiran gudoomiyaha Gaarisa ayaa Midkiiba waxaa lagusii deyn doonaa damiin lacageed oo dhan Sh1.2 milyan.

Qaadiga maxkamada Ogoti ayaa u diiday inay dib ugu laabtaan xafiisyadooda waxaana lagu amray inay baasabooradooda ku xareeyaan maxkamada.

Cali Bunow ayaa noqonaya gudoomiyihii lixaad ee laga hor istaago inuu dib ugu laabto xafiiska sababo la xiriira musuq maasuq. 

Maxkamada ayaa Kiiskaan go’aan kasoo saaridoonta illaa bisha Oktoobar 23,keeda.
 
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]