4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 15, 2020
Guddoomiyaha Gaarisa, iyo afar qof oo kale oo maxkamad la soo taagay
 

Talaado, September 15, 2020 (HOL) -  Dowladda Kenya ayaa maxkamad soo taagtay duqii magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, Cali Bunow Qorane iyo Afar eedeysane oo kala ah Ibraahim Malow Nuur Madaxii Dhaqaalaha Gaarisa, Maxamed Axmed C/laahi Madaxii Lacagta, Cabdi Shaale, madaxii fulinta Dowlada Hoose iyo Axmed C / laahi Aadan Madaxii Xisaabaadka ee Dowlada Hoose.

Masuuliyiintaan ayaa lagusoo oogay dacwado la xiriira ku takrifal hanti dowladeed, ku takrifal xafiiseed, inay ku mashquuleen mashruuc iyagoon aan horey u sii qorsheynin iyo inay hareer mareen ku dhaqmaan sharciga.

Baarayaasha kiiskaan ayaa sheegay in lacagaha la lunsaday ay ahaayeen deeq ka timid Bangiga Aduunka isla markaana loogu tala galay in lagu dhiso Suuqa Qorahey, in la saxo nidaamka bullaacadaha iyo sidoo kale dib u hagaajinta waddooyinka dhexmara Gaarisa.

Sida uu sheegay dacwad oogaha Kenya, Nuuradiin Xaaji, shantaasi qof ayaa lagu eedeeyey in ay si khaldan u isticmaaleen lacagtii uu ka helay maamulka gobolka, Barnaamijka Taageerada Magaalooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]