9/24/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Itoobiya oo soo bandhigtay lacago cusub oo dalkaasi yeelanayo


 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Dawladda Itoobiya ayaa maanta soo bandhigtay lacago cusub oo dhawaan dalkaasi laga hirgalinayo.

Lacagtan ayaa ka kooban 10 birr, 50 birr iyo 100 birr, sidoo kale waxaa markii u horeysay lagu soo daray lacagta Itoobiya 200 birr oo hal warqad ah.

Itoobiya ayaa sheegtay in lacagtan cusub ay wax katari doonto lacagaha foojariga ah ee aan sharciga ahayn iyo ganacsiga sharci darada ah.

Lacagta Itoobiya ee haatan loo yaqaano Birr ayaa dhawr jeer is badal lagu sameeyo, inta la xasuusan yahay wakhtigii Xayle selaase lacagta Itoobiya waxaa loogu yeedhi jiray Ethiopian Dollar, kaddib ayaa loo bixiyay Birr.

Wakhtigii Malas zenawi ayaa hadana labadalay, waxaana laga saaray khariidada dalka Eritariya oo lasocotay khariidada guud ee dalka Itoobiya ee lacagta ku sawirnaan jirtay, sidoo kalena midabka ayaa wax laga badalay.

Imika iyo haatan lacagta Itoobiya wax badan ayaa laga badalay, iyadoo sidoo kale lagusoo kordhiyay lacagta 200 birr oo hal warqad ah oo aan horey u jirin.

lacagtan ayaa la filayaa inay dalkaasi ku baahdo maalmaha soo socda, iyadoo lacagaha waawayn loo qabtay in muddo 1 bil ah lagu badalo, iyadoo si guudna badalku u socon doono muddo 3 bilood ah.

Hiiraan Online News Disk












Click here
9/14/2020 12:17 PM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Guddoonka Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa loo gudbiyay soo jeedin ku saabsan in mudanayaasha Golaha ay ka doodaan ficilkii dilka ahaa ee loo geystay Allaha U Naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo 19 jir aheyd.

9/14/2020 11:23 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Wiil toban sano jir ah ayaa lagu kufsaday magaalada Muqdisho sida ay sheegtay hooyada dhashay oo la hadashay talefishinka Dalsan.

9/14/2020 10:44 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) -Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa wasakh ku tilmaamay sharciga galmada ee horyaala barlamaanka Soomaaliya.

9/14/2020 8:12 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Waxaa maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kasoo hor muuqday nin ku eedeysan in uu la shaqeynayay Al-shabaab, islamarkaana dacwad oogista ay ku sheegeen inuu maleegayay qorshe lagu dhibaateynayay ciidamada dowladda ee ka howl-gala Beled Xaawo.

9/14/2020 7:19 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) -Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shaaciyay inay kordheen kiisaska coronavirus-ka adduunka maalintii Axadda, iyadoo wadarta guud ay korortay 307,930’ 24 saacadood gudahood.

9/14/2020 6:13 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirka maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ee u dhexeeya madaxda dowlad Goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir iyo madaxda dowladda dhexe.

9/14/2020 4:29 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay u geysteen nin la sheegay inuu ka mid ahaa hogaamiyaasha kooxda Macawiisleyda kaaso lagu magacabo Xuseen Fiidow oo loo yaqiinay (Xuseen Dhurwaay).

9/14/2020 3:59 AM EST
Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Ciidamada amaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macallim Cabdi “Ibraahim Ganey” oo caan ka ahaa gobolka.