4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda oo Muqisho ku kufsaday wiil 10 sano jir ah
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Wiil toban sano jir ah ayaa lagu kufsaday magaalada Muqdisho sida ay sheegtay hooyada dhashay oo la hadashay talefishinka Dalsan.

Fardowso oo ah hooyada dhibbanaha ayaa sheegtay in ay habeenkii sabtida gurigeeda soo weerareen labo nin oo ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda, kuwaas oo kufsaday wiilkeeda curadka ah.

Hooyadu waxay sheegtay in ay la carartay gabadh yar oo ay dhashay markii ay kala booday mid kamid ah daaqadaha gurigeeda oo ay jebisay.

Mid kamid ah ragga falkaan ka dambeeyay ayaa gacanta lagu dhigay, isaga iyo qori uu sitay waxaana loo gudbiyay hay’adda dambi baarista ee CID.

Dhaqaatiirta caafimaadka ayaa xaqiijiyay in wiilka yarka ah lagu sameeyay kufsi islamarkaana uu ka muuqdo dhaawac xoogan.

Waa fal kale oo aad u fool xun oo Muqdisho ka dhacay muddo todobaad gudihiis, iyadoo dadku weli xasuusanayaan kufsigii iyo dilkii loo geystay  Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd ardayad sanadkaan ka baxday dugsiyada sare.

Fal nuucaan oo kale ah, ayaa dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib markii labo nin ay kufsadeen wiilal yaryara, balse isla maalmo kadib ayaa lagu fuliyay xukun dil ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]