4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2020
Shirka dowladda dhexe, dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maanta Muqdisho ka furmaya
 

Axad, September 13, 2020 (HOL) - Sida ay ku warramayaan illa wareedyo lagu kalsoonaan karo waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirkii wada-tashiga  ahaa ee u dhexeeyay maamul goboleedyada dalka,  gobolka Banaadir iyo dowladda Faderaalka ah.

Kulankan ayaa lagu wadaa in looga hadlo xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya,  hannaanka doorashada dalka iyo in lagusoo ebyo khilaafaadka u dhexeeya madaxda kala duwan.

Shalay gelinkii dembe ayey Muqdisho kusoo laabteen madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland oo safarro ugu ambabaxay magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo.

Inkastoo maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhaceen kulamo kala gaar gaar ah,  haddana waxaa lagu wadaa in dhinacyadan ay si rasmi ah u abbaaraan tabashooyinka jira,  si dalka uu u galo doorasho ku dhisan is-oggol siyaasadeed.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]