4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 12, 2020
Booliska Soomaaliya oo war kasoo saaray kiiska gabar lagu dilay Muqdisho
 

Sabti, September 12, 2020 (HOL) - Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa war qoraal ay soo saareen dhowaan waxay ku sheegeen iney gacanta ku dhigeen 4 ruux oo tuhmanayaal ah oo loo haaysto dil iyo kufsi la sheegay in loo geystay gabar lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax oo Ciidamadu ay sheegeen iney 19 sano jirtay.

Warka ciidamada kasoo baxay ayaa lagu qeexay in baaritaanno ay ku sameynayaan dadka ay gacanta ku hayaan.

Falkaan gabadha lagu kufsaday,  kadibna dabaqa looga soo tuuray ayaa waxa uu Muqdisho ka abuuray hadal hayn xoog leh,  waxayna dad badan soo jeediyeen,  iney dowladdu qaato tallaabo deg deg ah.

Booliska Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka iney deganaan muujiyaan inta uu baaritaanka socdo,  iyagoo ballan-qaaday in baaritaanka kadib ay cadaaladda horkeeni doonaan eedeysanayaashan gacanta lagu hayo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]