4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Kismaayo
 

Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Qof iskusoo xeray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay gudaha magaalada Kismaayo,  gaar ahaan inta u dhexeysa masaajidka Jaamica ah ee qadiim iyo cisbitaalka magaalada.

Wararka hor-u-dhaca ah ee laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabbi Kaahin, waxa uuna warka laga helayo magaalada ay qeexayaan inuu dhaawacmay, hase-ahaatee lama oga inta uu dhaawiciisa gaarsiisanyahay.

Waxaa sidoo kale dhaawacmay dhowr qof oo kale.

Soomaaliya waxaa hadda aad u kordhay qaraxyada,  iyadoo Arbacadii aynu kasoo gudubnay qof iskusoo xeray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay maqaaxi dad ay shaah ku cabayeen oo ku taalla Muqdisho,  taas oo ay dhowr qof ku dhinteen 7 kalana ay ku dhaawacmeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]