4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 10, 2020
Shirkii ka furmayay Muqdisho oo baaqday iyo warar sheegaya inuu Sabtida loo madlay
 

Khamiis, September 10, 2020 (HOL) - Waxaa maanta aan ka furmin magaalada Muqdisho shirkii Madaxda maamul goboleedyada, Gobolka Banaadir  iyo madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana lagu waday in la billaabo ka haddalka marxaladda Soomaaliya,  gaar ahaan xaaladda kala guurka ah iyo sida loo qabanayo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale waxaan xalay hir-gelin casho sharaf madaxdaas lagu waday iney wada qaataan.

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u sheegay In baaqashada shirka ay ka timid madaxda Jubaland oo marka hore doonaya in xal loo helo arrinta Gobolka Gedo iyo in Jubaland loo madax banneeyo maamulkiisa .

Waxaa lagu wadaa in shirka uu si toos ah u bilowdo Maalinta sabtida ah ee soo socota.

Soomaaliya,  oo dhowaan galeysa doorasho waxaa weli taagan khilaafaad salka ku haya hannaanka loo wajahayo iyo nooca ay doorashadu noqoneyso.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]