4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Macron '' Xagjirnimada xitaa waxey khatar ku tahay dadka Muslimka ah

 

Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron  oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in uu fahamsan yahay darreenka dadka muslimka ah iyo fal celinta ay ka bixiyeen sawir gacmeedkii lagu afgalaadeeyay Nabbi Maxamed NNKH

Wuxuu sheegay in sawirradaasi aysan aheyn kuwo ka yimid dhinaca dowladda, laakiin uu soo bandhigay Wargeys madax-bannaan isaga oo yiri'' Tani ma'aheyn mashruuc  Dowladdeed, laakiin waa sawirro ku soo baxay Wareys madax-bannaan oo aan dowladda wax xiriir ah la laheyn''

Laakiin waxaa uu sheegay in Xagjiriinta Diimeed ay khatar ku yihiin dadka caalamka oo idil oo ay xitaa ay ku jiraan dadka muslimiinta ah.

Macron oo u muuqday shaqsi dajinaya carrada dadka Muslimka ah ayaa yiri '' Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda,

Dunida Muslimka ayaa siweyn uga  fal celisay taageerrada Macrom uu u muujiyay sawirrada lagu dhaleeceynayay Nabbi Maxamed NNKH, hasseahaatee Macron ayaa isku dayaya in uu dajiyo darreenka dadka Muslimka ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]