4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo shacabka Turkiga uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dhul gariir dalkaas ka dhacay
 

Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay madaxweynaha iyo shacabka Turkiga dhul gariirkii ka dhacay dalkaas oo ay ku dhinteen ilaa 30 qof.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dalkiisa uu musiibada la dareemayo madaxweynaha iyo shacabka Turkiga isagoo yiri ‘waxaan la qeybsanaynaa dhibaatada dhul gariirka Jamhuuriyadda Turkiga.’

Ugu yaraan 20 dhisme oo ku yaal magaalada Izmir oo keliya ayaa ku burburay dhul gariirka sida uu sheegay duqa Magaalada Tunc Soyer.

In kabadan 800 oo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay dhul gariirka.

Howlgallada samatabbixinta ayaa wali ka socda 17 dhisme, oo afar ka mid ah ay burbureen, sida uu sheegay Murat Kurum, Wasiirka Deegaanka iyo Magaaleynta Turkiga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]