4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Kenya oo xukun dheer ku riday labo nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay taageereen weerarkii Westgate
 

Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa laba nin oo Soomaali ah ku xukuntay 26 iyo 11 sano oo xarig ah kadib markii ay taageereen weerarkii 2013 lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen 67 qof.

Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafah ayay maxkamadu sheegtay in horaantii bishan lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin shirqool ay u maleegayeen qaab argagixisanimo iyagoo gacan siinayay kooxda al-Shabab.

Garsooraha maxkamadda sare Francis Andayi ayaa wax dambi ah ku weysay eedeysanaha saddexaad oo lagu magacaabo Liban Omar, kaasoo ay masuuliyiintu sheegeen inuu walaal la yahay mid ka mid ah ragga weerarka soo qaaday.

Laakiin qareenkiisa wuxuu sheegay in Cumar ay afduubeen rag la rumeysan yahay inay yihiin laamaha amniga shan daqiiqo kadib sii deyntiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]