4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Xildhibaannada cusub ee dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo maanta la dhaarinayo

   

Sabti, October, 31, 2020 (HOL)-  Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in maanta la dhaarinayo xildhibaannada cusub ee dhawaantan la soo xulay.

Baarlamaaankan cusub ee 2aad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle  ayaa intooda badan ah wajiyo cusub halka tiro yar oo kooban ay ka soo laabteen xildhibaannada Baarlamaankii hore waxaana ka mid ah mudanayaasha kuraastoodii waayay Guddoomiyihii Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Cismaan Barre Maxamed. 

5ta bisha November ayaa lagu waddaa in la doorto guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xilibaannada.

Guud ahaan marka la eego dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hishabeelle ayaa waxaa ka taagan dood siyaasadeed oo salka ku heysa awood qeybsiga uu ku dhisan yahay maamulka oo wax ka badal lagu sameynayo

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]