4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 30, 2020
Ayax dhibaato ba’an ku haya beeraleyda iyo xoola dhaqatada gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) – Beeraleyda iyo Xoola dhaqatada ku nool qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya sanadkan cabashada ugu badan oo ay qabaan ayaa aheyd Ayax raxan raxan u socda oo meelaha qaar ku riday nabaad-guur iyo baabi’inta dalaggii la filayay.

Haddaba wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Mahadaay ayaa sheegay in saacadihii ugu danbeeyay dadka ku dhaqan degmada la daalaa-dhacayeen Ayax ku habsaday beerro ku yaala degmada.

Ma ‘aha oo kaliya degmada Mahadaay ee sidoo kale waxaa Ayaxan laga soo sheegayaan qeybo ka kale oo ka mid ah isla gobolka sida degmada Aadan Yabaal.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in Ayax oo ah oo mid xooggan markiiba uu baabi’inyo miraha dalagga ku yaala beeraha, taasoo dhibaato weyn ku ah dadka beeraleyda ah ee ka sugayay in manaafacsadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ka hadashay dhibaatada uu Ayaxan leeyahay, iyadoo sheegtay in ay dadaal xooggan ugu jirto sidii looga hortagi lahaa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]