Digniin laga bixiyay Roobab duufaano wata oo kusoo wajahan qaar kamid ah gobolada Soomaaliya
 

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Roobab dhexdhexaad ah iyo kuwo culus ayaa laga filayaa qaybo ka mid ah Puntland iyo gobollada dhexe in aay ka da'aan toddobaadkan bilowday gudihiisa, sida ay shaacisay hay’adda  Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya ee SWALIM.

Gobollada Hiiraan, Bakool, Galguduud, Mudug, Nugaal iyo qeybaha koonfureed ee gobolka Sool ayaa heli doona xaddiga roobka inta lagu jiro muddada saadaasha hawada.

Duufaanno xoog leh ayaa la filayaa inta u dhexeysa 03 iyo 05 Oktoobar in ay ku dhuftaan gobolada Nugaal, Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana cabsi laga muujinayaa inay horseedi karaan daadad xoog leh oo ka dhaca meelaha qaar.

Xilli Roobaadka Dayrta oo bilowday ayaa qaar kamid ah gobolada dalka lagasoo sheegayaa roobab xadigoodu yar yahay.

Marka la fiiriyo saadaasha roobka iyo xaaladda hadda jirta ee labada webi, Khatar Weyn oo fatahaad ayaa weli socota sida ay sheegtay hay'addu.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]





Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda ammaanka ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Guddoomiyaha Guddiga midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidamada nabad-ilaalinta midowga Afrika u jooga Soomaaliya "AMISOM" General Ndegeye.

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Faafinta iyo dhaqangalinta Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020-2021, isagoo ku dhawaaqay in doorasho loo dhaqaaqayo.

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Puntland ayaa guddi u saartay cabashada ku saabsan sarifka lacagaha qalaad, kadib markii baaqyo isdaba joog ah loo diray madaxweynaha Puntland iyo wasiirkiisa maaliyadda, taasoo ka dhalatay qiimaha dollarka oo gaaray meeshii ugu sareysa abid.

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Shantii sano ee u dembeysay kooxaha Soomaalida ah ee burcad badeedka ah ayaa waxay Af-duubteen dad gaaraya 3600 oo ruux , iyagoo qafaalay una qabsaday madax furasho, waxayna lakala socdeen maraakiib iyo doonyo kala duwan oo gooshayay biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba.

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, waxa uuna goobjoog ka noqonayaa heshiiska taariikhiga ah oo ay wada saxiixanayaan dowladda Suudaan iyo laba kamid ah hoggaanka kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan.

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Qiimaha Sarifka Dollarka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay degaanada Puntland, waxaana uu saameyn xoogan ku yeeshay nolasha boqolaal kun oo qoys oo ku tiirsan lacagaha Shilin Soomaaliga ah.

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Ilhan Omar ayaa weerar afka ah ku qaaadday madaxweyne Donald Trump ka dib markii laga helay safmarka COVID-19, iyadoo sheegtay in uu si firfircoon u faafinayo fayraska islamarkaana uu halis ku yahay caafimaadka bulshada.

Somali News

10/3/2020 2:40 PM EST
Dubai: Saudi Arabia’s head of Chamber of Commerce called today for a boycott of “everything Turkish” including imports, investment, and tourism, saying it is “the responsibility of every Saudi”, local media reported.

10/3/2020 1:48 PM EST
The BBC are to examine the racist murder of a black student on Edinburgh’s Cowgate as part of Black History Month.Axmed Abuukar Sheekh had come to Britain in 1987 after being arrested....

10/3/2020 6:43 AM EST
MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo has arrived in Juba the capital of South Sudan to joint other heads of states and governments in the region in witnessing the signing of a historic peace deal between the Sudanese Government and two rebel groups.

10/3/2020 12:54 AM EST
Italy’s colonial interest in East Africa spread from present-day Eritrea, down the coast of the Red Sea to Somalia and inland to Ethiopia.

10/3/2020 12:44 AM EST
Incident in September in Duluth saw group of men in pickup target Qorsho Hassan.

10/3/2020 12:34 AM EST
More than 35 warehouse workers walked off a night shift at an Amazon warehouse in Shakopee, Minnesota on Thursday to protest the firing of a co-worker who raised safety concerns to management.

10/3/2020 12:28 AM EST
Over the past five years Somali pirates took more than 3 600 people hostage in attacks on ships varying in size from tankers through to container transporters, dhows, fishing vessels and yachts.

10/3/2020 12:21 AM EST
After President Trump's comments about immigrants at a rally in Duluth, Somali Minnesotans called for unity and accountability.

10/3/2020 12:15 AM EST
Hani Abdile has a poetic explanation for why she fled war-torn Somalia alone at the age of 17. "There's a Somalian poet who says 'I wouldn't leave home unless home was the mouth of a shark'," she said. "No-one ever leaves the garden of their birth unless they have to."

10/3/2020 12:07 AM EST
After the Covid-19 pandemic closed Kenya’s schools in March, Aden Jamal and his brother Abdullah Ahmed were excited to be home with their parents. They couldn’t have known a family friend, Juma Karim, had other plans for them.
Click here