4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2020
Madaxweyne Waare oo magacaabay Guddiga Doorashada Dadban ee heer Dowlad Gobolleed

 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL)- Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Dadban ee heer Dowlad Gobolleed.

Guddiga oo madaxweynaha uu magacaabay oo ka kooban 8 xubnood ayaa waxaa wehlin doona oo la shaqeyn doona 3 xubnood oo ay soo magacaabi doonto dowladda Soomaaliya, iyadoo sidan oo kale dhamaan dowlad gobolleedyada looga baahan yahay in ay soo magacaabaan guddiyada heer Dowlad Gobolleed ee ka shaqeyn doona doorashada dadban ee lagu heshiiyay in ay dhacdo dhamaadka sanadkan ilaa horaanta sanadka 2021ka.

Guddiga ayaa ka howlgali doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo lagu soo dooran doono sida heshiisku yahay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa yaala kuraata ilaa 25 xildhibaan, halka Jowhar-na lagu dooran doono 13 mudane sida ku cad bayaankii ay ku heshiiyeen madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada.

Hoos ka Akhriso magacyada Guddiga :

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]