4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2020
Weerar dad ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Faransiiska

 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL)– Wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya in labo ka mid ah dadkii lagu dilay weerarka toorreyda loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska ay ku jireen gudaha kaniisad.

Labadan qof ayaa kala ahaa haweeney iyo nin lagu gowracay gudaha kaniisadda, sida ay wararku sheegayaan.

Haweeney kale oo ku carartay maqaayad u dhoweyd goobta uu weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in qofka weerarka fuliyay uu dhowr jeer toorrey ku dhuftay, dhaawac ka soo gaarayna ay u geeriyootay.

Weerarkan ayaa daba socda mid kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaalla waqooyi galbeed magaalada Paris. Samuel Paty, oo macallin ka ahaa iskuulka Conflans-Sainte-Honorine, ayaa la gowracay maalin kaddib markii uu qaar ka mid ah ardaydiisa tusay sawir-gacmeedyo la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxamad NNKH.

Dilka macallinka ayaa xiisad ka abuurtay dalka Faransiiska, iyadoo dowladda dalkaas ay ku baaqday in lala dagaallamo xagjirnimada Islaamka, arrintaas oo ka careysiisay dalal badan oo Islaam ah.

Dalal badan oo Islaam ah oo ay Soomaaliya ku jirto ayaana cambaareeyay arrintaas, iyadoo dalalka kale ee Islaamka qaar ay ku baaqeen inaan la iibsan badeecadda ka timaadda Faransiiska.

Xigasho BBC