4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2020
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo wasiirka cusub ee waxbarashada kula dardaarmay inuu wada shaqayn dhow la yeesho Puntland
 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mohamed Hussein Roble ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo wasiir ku xigeenka hore ee wasaaradda waxbarashadda.

Raysal wasaaraha ayaa kula dardaarmay wasiirka cusub ee waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji inuu wada shaqayn wanaagsan la yeesho dowlad goboleedka Puntland, iyadoo la ogyahay in wasiirkii hore ee waxbarashada uu ka tagay khilaaf xoogan oo dhinaca shahaadada ah.

“Waxaa loo baahan yahay in la mideeyo manhajka Soomaaliya, si uu u noqdo mid loo wada dhan yahay, hadaba si taas loo gaaro waxaa looga baahan yahay wasiirka cusub inuu wada shaqayn dhow la yeesho Puntland, si looga baxo caqabada midaynta manhajka,” ayuu yiri raysal wasaaraha.

Raysal wasaaruhu sheegay inuu kula dardaarmay wasiirka waxbarashada inuu wax ka bedelo waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka maqnaa goobta xil wareejinta, waxaana xilka wareejiyay wasiir ku xigeenkiisii.

Wasiirka cusub ee waxbarashada ayaa laga sugayaa sida uu u wajaho caqadaha dhinaca waxbarashada ee kala dhexeeya Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]