4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2020
Guddoomiye Mursal ‘’ Xukuumadda cusub waxaan ka rabnaa doorasho waqtigeeda ku dhacda

 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL)–Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa faray xukuumadda cusub in ay ka shaqeyso doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu taageeray ansixinta xukuumadda cusub waxaa uu intaa ku darray in Golaha Wasiirradda cusub laga doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho lagu wadda qanacsan yahay.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa horay ugu heeshiiyay jadwal doorasho oo ku eg 8da bisha Feberayo ee sanadka 2021ka ee nagu soo foolka leh waqtigaa oo ku eg Afar sano markii xilka loo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ayaa hora yu sheegay markii xilkan loo magacaabay in xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto oo kaliya sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho hufan oo cadaalad ku dhisan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]