Guddoomiye Mursal ‘’ Xukuumadda cusub waxaan ka rabnaa doorasho waqtigeeda ku dhacda
Khamiis, October, 29, 2020 (HOL)–Guddoomiyaha
Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa faray xukuumadda cusub
in ay ka shaqeyso doorasho waqtigeeda ku dhacda.
Guddoomiyaha oo khudbad ka
jeedinayay munaasabad lagu taageeray ansixinta xukuumadda cusub waxaa uu intaa
ku darray in Golaha Wasiirradda cusub
laga doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho lagu
wadda qanacsan yahay.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo
madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa horay ugu heeshiiyay jadwal doorasho
oo ku eg 8da bisha Feberayo ee sanadka 2021ka ee nagu soo foolka leh waqtigaa
oo ku eg Afar sano markii xilka loo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo.
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen
Rooble ayaa hora yu sheegay markii xilkan loo magacaabay in xukuumaddiisu ka shaqeyn
doonto oo kaliya sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho hufan oo cadaalad ku
dhisan.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com