4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2020
Maraykanka oo shaaciyay inuu Soomaaliya ka caawinayo xakamaynta ilaha dhaqaalaha Al-shabaab
 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay diirada saarayso xaddidaada awooda al-Shabaab inay fuliso weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxaa sidaasi  lagu sheegay warbixin kasoo baxday howgalka Maraykanka ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka waxay tilmaamtay wax ka qabashada khatarta joogtada ah ee al-Shabaab in ay u baahan tahay wada shaqeyn dhow oo dhexmarta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo carqaladeeyo ilaha ay dhaqaalaha ka helaan Al-shabaab.

"Waxaa naga go'an inaan la shaqeyno Soomaaliya sidii ay uga faa'iideysan lahayd nidaamka cunaqabateynta hubka iyo waxyaabaha qarxa" ayaa lagu yiri warkan.

Dowladda Maraykanka waxay ka codsatay dowladaha Xubnaha dowladda federalka inay taageeraan tallaabooyinka lagu xakamaynayo ilaha Al-shabaab ka helaan dhaqaalaha.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa maalmo ka hor markii hay’ad cilmi baariseed ay shaacisay in dhaqaalaha Al-shabaab kasoo gala canshuuraha uu ka badan yahay midka dowladda usoo xarooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]