4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2020
Qaramada Midoobay oo digniin kasoo saartay Ayax duulaan ku ah koonfurta Soomaaliya
 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) - Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan Ayax duulaan ku ah gobolada koonfurta Soomaaliya, kaasoo khatar weyn u geysan kara haqab beelka cuntada.

Hay’adda FAO waxay sheegtay in malaayiin kale oo Ayax ah maalmaha soo socda ama toddobaadyada soo socda lagu arki doono gobolada koonfurta Soomaaliya.

FAO waxay digniinteeda ku sheegtay in taran cusub oo Ayaxa ah uu hadda ka billowday Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo sababi doonta in raxan cusub oo Ayax ah ay sameysmaan bartamaha bisha Diseembar kuwaas oo ay u badan tahay inay u dhaqaaqaan koonfurta Soomaaliya illaa Kenya.

Digniintan cusub ayaa kusoo aadaysa, iyadoo maanta la filayo in magaalada Qardho oo katirsan Puntland laga dhagax dhigo xaruntii ugu horaysay Soomaaliya ee la dagaalanka Ayaxa.

Dowladda Soomaaliya ayaa caalamka taageero xoogan kaga heshay sidii looga caawin lahaa dagaalka Ayaxa.

Ayaxa oo ah mid guur guura ayaa horey cagta usoo mariyay gobolada waqooyiga, bariga iyo bartamaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]