4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2020
Madaxweyne Biixi oo ka hadlay sababta ay u joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay hay'addaha QM

 

Arbaco, October, 28, 2020 ((HOL) - Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay khilaafka kala dhaxeeya Qarramada Midoobey oo Somaliland ay sheegtay in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxeysay.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in ay ixtiraamayaan hay'addaha Qarramada Midoobey balse sida uu hadalka u dhigay marnaba aqbali doonin in deegaannada Soomaaliland laga fuliyo amaro laga soo bixiyay Villa Soomaaliya.

''Annaga waa ixtiraameynaa Qarramada Midoobey Dowlad kasta oo caalamka ahna wadashaqeyn iyo walaalnimo ayeeynu u aheyn, waa inta aan ku soo xadgubin sharafteena iyo Qarrannimadeena, waxaan rabnaa annaga oo is ixtiraameyna in aan wadashaqeyno, kama yeeleyno Qarramada Midoobey iyo kuwo kale in ay noo soo qaadaan qorshayaal laga soo faray Xamar'' ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Wuxuu sheegay in labadii bilood ee la soo dhaafay ay jireen qoraal iyo fariimo kala duwan oo ay u dirayeen hay'addaha Qarramada Midoobey oo ay ka dalbanayeen sida uu hadalka u dhigay qorshe kasta oo la fulinayo loo maro hannaanka aynu u dajinay ayuu sheegay madaxweyne Biixi.

Shir ay dhawaan yeesheen golaha wasiirrada Somaliland ayaa laga soo saaray amar ah in hay`adaha QM ay hakiyaan howlaha ay ka hayaan Somaliland, “inta xal laga garayo”.Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Qarramada Midoobey oo la xiriira warkan ka soo baxay xukuumadda Somaliland. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]