4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2020
Abuukar Cawaale (Qaaddiid) oo ka hadlay xarig loogu geystay magaalada Laascaanood
 

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL) - Abuukar Cawaale oo loo yaqaano Qaaddiid ayaa ka hadlay xarig xalay loogu geystay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas  oo uu qorshaynayay inuu ka sameeyo ololihiisa Qaaddiid.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garowe, saacado kadib markii lagasoo masaafuriyay Laascaano ayuu Abuukar Cawaale sheegay, in si fool xun loogula dhaqmay Laascaanood islamarkaana xilli saq dhexe ah hotelkii uu deganaaa lagusoo galay lana xiray.

"Waxaan aad uga xumahay in la ii dhibaateeyay inaan Laascaanood geeyo wacyi galinta ka dhanka ah Qaadka. Shakhsiyaad magac dowladdeed isticmaalaya ayaa hor istaagay inaan bulshada ka wacyi galiyo Qaadka," ayuu yiri Abuukar Cawaale.

Abuukar Qaaddiid ayaa tilmaamay inuu sifo sharci ah ku tagay Laascaanood islamarkaana ujeedadiisu ay ahayd inuu wacyi ka dhan ah Qaadka ka sameeyo xarumaha waxbarashada iyo goobaha lagu cibaadaysto.

Wuxuu ku eedeeyay masuuliyadda dhibaatada loo geystay inuu ka dambeeyo gudoomiyaha gobolka Sool, isagoo sheegay inu ahaa qofkii ka dambeeyay in lagasoo musaafuriyo magaalada Laascaanood.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]