4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2020
Gudoomiyaha gobolka Sool oo ka hadlay sababta loo masaafuriyey Abuukar Qaad-diid
 

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL) - Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa sheegay in Qaad-diid uu sifo qaldan ku soo galay magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Gudoomiyaha oo war saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay Qaadiid isagoo sheegay in uu doonayey inuu shirar ku qabto magaalada isagoo aan ogolaansho u haysan.

"Waxaan ahay masuulka ugu sareeya gobolka wax xog ah oo aan ka hayey imaanshihiisa ma jirin, mida kale socodkiisu kama madhnayn siyaasad, dhowaan waxaa uu amaanayey Farmaajo, shalayna Cabdiweliga Puntland, nimankaana kala mabda baan nahay" ayuu yidhi Jiidhe waxaanu meesha ka saaray in wax ogolaansho ah uu soo weydiistey maamul ahaan.

Hadalka gudoomiyaha ayaa yimi markii ciidanka Boolisku ay magaalada Laascaanood ka masaafuriyeen Abuukar Qaad-diid taas oo baraha bulshada si aad ah loogu hadal hayo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood