4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2020
Qarramada Midoobey oo sheegtay in xaalad bani’aadannimo ka jirto dalka Yemen

 

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in ay khatar ku jirto nolosha kumannaan carruur ah oo u dhashay dalka Yemen, sababo la xiriira nafaqo-darro aad u daran oo ku heysata qeybo ka mid ah koofurta Yemen.

Warbixinta hey’adda daryeelka carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in ay jiraan kiisas ka badan nus malyuun kiis oo la xiriira nafaqadaro heysata carruurta ay da’doodu ka hooseyso shanta sano. Shanti carruur ahba hal ayaa la liita macluul sida ay sheegtay UNICEF.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan rubuc malyuun haween uur leh ama hadda naas-nuujinaya ilmo yar ay u baahanyihiin in laga baxnaaniyo nafaqa-darro.

Meelaha ugu daran ee ay ka jirto nafaqo-darrida ayaa waxaa ka mid ah Xudeyda, Abyan, Lahj iyo Taciz.

Dalka Yemen ayaa tan iyo sannadki 2014-ki waxaa ka socday, dagaal sokeeye oo u dhaxeeya dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta ee taageerada ka hela Iran iyo ciidamada dowladda taagta-daran oo kaashanaya Isbaheysi Carbeed oo uu hogaamiyo Sacuudiga. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]