4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2020
Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle oo maanta la dhaarinayo
 

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka labaad ee maamulka Hirshabelle ayaa goordhaw looga yeeray xarunta guddiga farsamadda  iyo soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle si loo siiyo aqoonsiyo isla markaana loo dhaariyo si ay waajibaadkooda shaqo u guda galaan.

Guddiga farsamadda ayaa u muuqda kuwa kasii hordhacaya jadwalkii ay horay usoo bandhigeen kaasoo ay ku sheegeen in dhaarinta Xildhibaanada labaad ay dhaceyso 31-ka bisha October taasoo waqtigeeda laga soo hormariyay.

Liiska Xildhibaanada labaad ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xalay lagu dhawaaqay iyadoo aysan qeyb ka aheyn wakiilo ka socda dowladda Soomaaliya mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda oo ku aadan magacaabista Xidhibaanada labaad ee Hirshabelle

Liiska cusub ee Xildhibaanada Hirshabelle waxaa laga dhex waayay masuuliyiin caan ka ahaa Hirshabelle sida Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed iyo ku xigeenkiisii Cabdi Xuseen Geedi waxaana sidoo kale kasoo dhex muuqday wajiyaal cusub oo caan ah ay ka mid yihiin Wariyeyaal iyo wasiiro hore uga tirsana Hirshabelle.

Ku dhawaaqistaan liiska Xildhibaanada labaad ayaa imaanaya xili beelaha dega Hirshabelle ay tabasho xoogan ka qabeen hab dhismeedka Hirshabelle labaad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]